Recent Posts

Contributors

Advertisement

5 best apps video editor lagu qurxiyo muuqaalada

Samaynta muuqaalada video waa kuwa ugu xiisa badan wakhtiyada hada laga jiro sababtoo ah internetka guud ahaan waxaa laga helaayaa kumanaan ama malaayiin muuqaalo video ah oo lagu soo bandhigo meelo kala duwan sida baraha bulshada iyo websiteyo.

5 best video editor


Waxaa jra apps aad u qiimo badan oo lagu sameeyo muuqalada video ah kuwaas oo kuu qaban kara waxkasta oo aad u baahan tahay marka laga hadlaayo qurxinta iyo habaynta fiidiyaal aad u qurux badan, waxaan halkan hoose kuugu soo gudbinaayaa appska ugu fiican ee la hubo waxtarkooda.

Photo by Abet Llacer from Pexels


Barnaamijyo muuqaalada lagu qurxiyo

FilmoraGo - waa app awood badan leh oo aad ku samaynto karto muuqaalo qurux badan oo waliba habaysan, waxaad ku dari kartaa muuqaalo kuwaas oo ay la socdaan ama gelin karto qoraalo, codad iyo effects iwm sidaa darteed waxaad ku share garayn kartaa muuqaalka aad ku samayso filmorgo baraha bulshada sida whatsapp, facebook, youtube iwm.

Adobe premier pro - waa app kale oo heer sare ah oo aad ku samayn karto muuqaalo cajiiba oo indhaha dadka soo jiita waa app aad ugu wanaagsan qurxinta iyo jarjarida fiidiyayaasha .

VideoShow - muuqaal hagaajiye aad u wanaagsan waxaana lagu qiimeeyey inuu ka mid yahay video editors ka ugu fiican ama ugu wanaagsan oo dalal badan oo caalamka ah laga isticmaalo, sidaa daraadeed ilaa hada waxaa degsaday oo si joogta ah u isticmaala 500 milyan oo adeegsadayaal ah, dadkaasi waxay videoshow u sameeyeen sumcad iyo maamuus wanaagsan gaar ahaan playstore dhexdiisa waayo in badan oo ka mida waxay u codeeyaan in appkani yahay 5 star.

Power director - waa mid ka mida barnaamijyada ugu fiican ee muuqaalada lagu jarjaro laguna habeeyo ee laga helo google playstore kaas oo ku shaqeeya androidka, waxyaabaha uu kuu qabanaayo waxaa ka mida samaynta fiidiye qurux badan oo cajiiba sida kuwa filimada oo kale sidoo kale appkan wuxuu si buuxda u caawinaayaa youtubers ka oo u baahan barnaamij noocan oo kale ah.

Kinemaster - waa barnaamijka ugu wanaagsan ee muuqaalada lagu qurxiyo laguna habeeyo laguna jarjaro, waa barnaamij dhamaystiran dhinac kasta ilaa hada lama hayo barnaamij u dhigma dhinaca fiidiye samaynta, wuxuu leeyahay oo aad ka helaysaa waxyaabo cajiiba sida inaad muuqaal ku duubtid kuna habaysid, sidoo kale cod ayaad dul saari kartaa muuqaalkaaga sidoo kale qoraal iyo waxyaabo kale oo aad u badan, kinemaster waa appka ugu fiican video editors ka.

No comments:

Post a Comment

Fadlan suaal muhiim ah soo qor