Maalin walba waxaynu moobilka ku shubanaa applications aad u badan inagoo rabna inaan u adeegsano hawlo gaar ah laakiin inta badan waxaa dhacda inay wakhti lumis noqdaan apps kaasi taasna waxaa inta badan sabab inaga oo aan fahansanayn shaqada rasmiga ah ee appkaasi qabanaayo.
![]() |
Pixabay.com |
Apps faaiido leh
Liistiga hoose waxaan kuugu soo gudbinaayaa apps aan kuu soo xulay kuwaas oo aan rajeenaayo in aad ka faaiifo markaad isticmaasho.
Pk film - waa application caawinaaya qof kasta oo Youtuber ah ama dadka muuqaalada sameeya, application kan waxaad ka helaysa waxa loo yaqaano Video intro oo diyaarsan kuwaas oo kala noocyo ah waliba waa video intros heersare ah.
Pic Repost - Hadii aad ka mid tahay dadka instagram isticmaala ee hadana jecel inay sawirada ku jira instagram ka si fudud oo dhib la'aana u download garaystaan, Appka loo yaqaaano Pic repost arintaas ayuu kaa caawin karaa sababtoo ah adiga oo an is dhibin ayuun baad linkiga sawirka taabanaysa oo copy odhanaysaa ka dibna adigoon sawirka dhinacna u dhaafin ayaad download garaynaysaa.
Fake Call - hadii aad rabto inaad samayso wicitaan been ah adigoo ka yaabinaaya dadka agtaada jooga si prank ah isticmaal app kan.
Monefy - Hadii aad rabto inaad xisaabiso dhaqaalaha ku soo galaaya iyo biilasha uu ku baxo isticmaal app kan.
Google Clock - Hadii aad rabto inaad haysato Xasuusiya ugu wanaagsan wakhtiga ama hurdada kaa kiciya isticmaal google clock.
Video panda conpress & share - hadii aad doonayso inaad yarayso muuqaal video ah oo cabirkiisu aad u weyn yahay tusaale ahaan 150mb aad ka dhigto 10mb waa inaad isticmaashaa app kan.
Character pad - Marka aad qoraal qorayso hadii aad rabto inaad ku darto calaamado ama astaamo waa inaad isticmaasha App kan waayo waxaad ka helaysaa boqolaal nooc oo ka mida calaamadaha caanka ah .
Gladient icons - Hadii aad doonayso inaad wax ka badasho nashqada applications ka moobilka kuugu jira waa inaad isticmaashaa app kan.
Google lens - appkan waa mid aad u fiican waxaad isticmaali kartaa kamarada uu wato adigoo sawiraaya shay si aad u raadiso macluumaadkiisa sidoo kale qoraalka hortaada yaala ayuu kuu turjumaayaa sidoo kale wuxuu aqoonsan karaa magacyada xayawaanada iyo dhirta ama ka badan.
Xasuusnoow apps kan dhammaantood waa android laakiin app store qaar badan oo ka mida ayaad ka helaysaa oo ku shaqaynaaya moobilada iphone ka.
Xasuusnoow apps kan dhammaantood waa android laakiin app store qaar badan oo ka mida ayaad ka helaysaa oo ku shaqaynaaya moobilada iphone ka.
Ustaad flim key kuma jiro wan ka waye kaa bn u baahnaa
ReplyDelete