Marka internetka la isticmaalaayo waxaa jira malaayiin website oo isugu jira madadaalo iyo aqoon ama ganacsi , laakiin inagu maanta waxaynu soo bandhigaynaa websites faaiido u leh qofkasta oo isticmaalaaya.
Websites faaiido leh
Liiska hoose waxaan ku taxi doonaa websites faaiido leh waxaan kaloo raacin doonaa inaan kui faahfaahiyo sababta faaiidada uu ku yeeshay iyo waxa uu qabto.
qlock - waxaad ka helaysaa oo website kani ku tusaaayaa saacada magaalo kasta oo caalamka ku taala isagoo dusha kaa tusaaya google map, adigu ku qor uun magaalada aad rabto.
Iconfinder.com - waxaad ka helaysaa waxa loo yaqaano icons oo ah astaanka shay kasta gaar ahaan wuxuu anfacaayaa dadka internetka wax galiya, waxyaabaha aad ka helayso waxaa ka mida logo-yinka baraha bulshada iyo wax kasta oo aad waydiiso.
myfonts.com/WhatTheFont - websitekan wuxuu caan ku yahay inuu soo bandhigo far ama faraha internerka nashqad kasta laakiin sidoo kale waxaad ka ogaan kartaa Logo kasta farta ay ka samaysan tahay yacni far kasta magaceeda .
wetransfer.com - Hadii aad rabto inaad xamuusho ama qof kale u dirto fayl aad u culus website kan ayaa kaa caawin kara arintaa oo adeegaas si bilaash ah kugu siinaayaa.
similarsites.com - website kan wuxuu kuu suuro galinaayaa inaad ogaato website kasta oo aad isticmaalayso inaad ogaato website yada kale ee la midka ah, tusaale ahaan Youtube adigoo isticmaaalaaya ayaa waxaa maskaxdaad ku soo dhacday Imisa website oo kale ayaa sida Youtubeka ah oo jira , hadaba si fudud website kan ayaa kuu sheegaaya arintaa.
google.com/history - hadii aad rabto inaad aragto waxyaabihii aad google ka raadisay iyo waliba websiteyadii aad booqatay waad heli kartaa adigoo adeegsanaaya websitekan .
Blogger.com - website kan waa bloggerka aduunka ugu weyn waxaa bixisa shirkada google waxaad ka furan kartaa blog kaas oo nowonaaya sidan Magacaaga.blogspot.com, waxaad website kan ku daabici kartaa maqaalo, sawiro,muuqaalo, waliba hadii aad ku dadaasho lahaansha waxyaabaha aad galisay blogaaga ogow waxaad ka samayn kartaa lacag aad u wanaagsan oo noloshaada kugu filnaan karta
Canva.com - ma rabtaa inaad samayso sawiro qoraal leh oo qurux badan yacni posters iyo waliba logo qurux badan si bilaash ah, waa inaad isticmaashaa website kan.
coursera.org - Hadii aanad helin waxbarasho college ama jaamacad isla markaan wakhtiga ama lacagtu kuu saamaxi wayday waa inaad booqataa website kan oo akoon ka furataa ka dibna dhex ka barataa koorso kasta oo aad xiisaynayso inaad barato , Coursera waa web bixiya waxbarasho bilaasha.
Pinterest.com - Hadii aad tahay sawir qaade waxaa kuu wanaagsan inaad isticmaasho websiteka Pinterest sidoo kale waxaad gelin kartaa muuqaalo koob kooban iyo sawirada xikmadaha ama qoraaladu la socdaan ee aad adigu gacantaada ku samayso.
Pinterest.com - Hadii aad tahay sawir qaade waxaa kuu wanaagsan inaad isticmaasho websiteka Pinterest sidoo kale waxaad gelin kartaa muuqaalo koob kooban iyo sawirada xikmadaha ama qoraaladu la socdaan ee aad adigu gacantaada ku samayso.
No comments:
Post a Comment
Fadlan suaal muhiim ah soo qor