Recent Posts

Contributors

Advertisement

Sida lagu helo instagram followers

Instagram si dhakhso leh ayuu u koraayaa sababtoo ah waa aalad casri ah oo xiiso badan, maxaa yeelay waxaa lagu soo bandhigaa muuqaalo iyo sawiro bulshada soo jiita kuwaas oo loogu talo galay in qofkasta uu ku soo bandhigo xirfadiisa iyo hibada uu leeyahay.

Hadaba waxaa jirta caqabad qofkastaa oo instagram ku cusub ama isticmaalaa uu la kulmo, caqabadaasi waa siduu ku heli lahaa dad badan oo ku xidhan bogiisa instagram kuwaas oo loogu yeedho followers.

Sida instagram followers loo helo


Sida lagu helo instagram followers

Waxaa jira dariiqooyin lagu helo instagram dad kugu xidhan oo si joogta kuula soconaaya taasina waa mida aan maanta idiin soo bandhigaayo sidaa daraadeed fadlan qoraalkan si degan u akhriso.

Sida loo isticmaalo instagram

Hashtag # - Ugu horeyn waa inaad samaysataa waxa loo yaqaano hashtag oo waa inaad u samaysaa shirkadaada ama ururkaaga ama shakhsi ahaantaada, hashtag wuxuu u qoran yahay sidan oo kale tusaale ahaan #Shirkadaada #Magacaaga iwm, sida loo isticmaalo hashtag iyo sida loo geliyo sawirada ama loo sameeyo ka daawo muuqaalka hoose.

Sameyso url - Instagram markaad furato waa inaad samaysataa ama rakibtaa url ama waxa loo yaqaano username , hadhaw bogaaga markii la raadinaayo si fudud ayaa loo soo helaaya ama aad ku helaysaa followers, url wuxuu noqon karaa sidan hoose

  • Instagram.com/Ururkaaga
  • Instagram.com/Shirkadaada
  • Instagram.com/Magacaaga

Qoraal raaci sawiraantaada - taasi waxay kaa caawinaysaa in dad badan oo instagram wax ka raadinaaya ay qoraalada sawirada la socdaa ay soo jiitaan isla markaas kuu arkaan qof muhiima.

Ku xidhnoow meelaha aqoonta - yacni waa inaad ku xidhataa ama booqataa websiteyada aqoonta sida Aqoontacusub.com oo kale waayo maalin kasta waxaad ka helaysaa fikrad wanaagsan ama cashar wanaagsan oo xirfadaada kor u qaadaaya taas oo kaa caawin doonta sidaad instagram ula socon lahayd wixii ku soo kordha adna aad horumar fiican u gaadhi doonto.



Horumari instagram kaaga - waa inaad sawiradaada qurxisaa sidoo kale muuqaalada waa inaad sawirada qoraalo raacisaa si ay dadka u soo jiitaan waa hadii ay suuro gal kuu tahay, waa inaad barataa sida sawirada iyo muuqaalada loo qurxiyo.

Muuji goobtaada - waa inaad muujisaa goobta aad ku sugan tahay taasi waxay kaa caawin doontaa sidii ay kuu heli lahaayeen dadka aad isku meel joogtaan ama dadka raadinaaya magaalada aad joogto iyo goobta aad ku sugan tahay.

Xasuusnoow telefoonkaaga - waa inaad ku dartaa telefoonkaaga boga aad ku leedahay instagram waayo taasina waxay kaa caawinaysaa in bulshadu kuu aragto qof ama shirkad muhiim oo meel lagala xidhiidho leh.

Waa inaad baahisaa bogaaga instagram - hadii aad dagdagayso oo aanad samri karin waa in boga aad ku leedahay instagram ku shubataa lacag ka dibna ku baahisaa Soomaaliya ama goobta uu khuseeyo ganacsigaagu .

No comments:

Post a Comment

Fadlan suaal muhiim ah soo qor