Suaal ku saabsan appka Keep google
walaal waxaan ku weeydiin lahaa google keep ayaan soo dajiste uhedkaan usoo dajistana wuxuu ahaa inuu qoraalada ii xifdiyo haduu mobile ka iga dhumo oon midkale qaato ama uu iga halaabo marka suashu wexey tahay sidan rabay iima noqonayo ciladu xagey ka jirtaa jawaab wacan mahadsanid.![]() |
Photo by Pixabay from Pexels |
Jawaab ku saabsan appka Keep google
Walaa soo dhawoow , suaashaada jawaabteedu waa tan.
Ugu horeyn mobile hadaad haysato waa inaad gashaa settings ka
ka dibna Accounts meesha ay ku qoran tahay
Ka dibna meesha kuu soo baxaysa ka fiiri cinwaankaaga gmailka ama google
ka dibna meesha kale ee kuu soo baxaysa taabo halka ay ku qoran tahay Sync account.
Ka dibna list ga kuu soo baxaaya waa inaad taabata oo furta halka ay ku qoran tahay Google keep , yacni enable garee
Ugu dambayntii markaad intaas sameyso fiiri kor dhinaca bidix waxaa kuu soo baxaysa meel sadex dhibcood oo isdul yaala ah , ka dibna fur ka dibna taabo SYNC Now .
Waa intaas walaal
No comments:
Post a Comment
Fadlan suaal muhiim ah soo qor