Recent Posts

Contributors

Advertisement

Khad internet ah baan haystaa ee sidee lacag uga samayn karaa

Sida internetka lacag looga sameeyo 

Asc aqoonta cusub su,asha wexey udhacesaa sidaan waxaan haystaa khad mana shaqeyo ee sida ugu fudud ee aan lacag uga sameen karo ee sheeg.


Photo by thiago japyassu from Pexels


Lacag online ah ayaad samayn kartaa

Wcs walaal, hadii aad khad internet ah haysato waa inaad uga faaiidaysataa dhinaca wanaagsan ee horumarka iyo badhaadha ku gaadhsiinaayaa.

Internetku waa goob aad u weyn oo aad wax kasta ka helayso maanta xataa hadaad u baahato lacag aad ku noolaato sidoo kale waa meel kugu xiraysa dad kale oo wada shaqayn idin dhex mari karto sidoo kale internerka adiga ayaa si iskaa ah uga faaiidaysan kara oo abuuran kara shaqo online ah.

Hadaba aan u soo laabto suaashada ah khad waan haystaa ee sidee uga faaiidaysan karaan, run ahaantii waa si fudud oo sahlan hadii aad wakhti iyo dadaal dheeraada siiso waliba aanad ka caajisin.

Waxaa jira boqolaal wado oo lacag uga samayn karto internetka waxaana kugula talin lahaa dhawr arimood oo ku anfacaayaa.

Mid koowaad inaad Youtube channel furatid ka dibna barnaamijyo xiiso badan soo gelisid si dadku kuu daawadaan oo kanaalkaaga ugu soo biiraan ka dibna waxaa laguu furi doonaa barnaamijka lacagta bixiya ee loo yaqaano adsense kaas ayaad lacagta ka heli doonta waa hadii aad marka hore shuruudaha u yaala buuxisay.

Waxaad kaloo samayn kartaa blog isagana lacag ayaa laga sameeyaa , insha allah waan ka soo hadlaayaa sida loo furto.

Sidoo kale waxaad samaysan kartaa website isagana lacag waa laga sameeyaa
sidoo kale waxaad samaysan kartaa facebook page isla markaana waxaad ku iibin kartaa wixii aad isleedahay way kaa soconaayaan oo alaab ah.


Way badan yihiin siyaabaha aad khadkaaga lacag uga samayn karto adigoon gurigaaga ka bixin laakiin kuwa aan kuu sheegay waa kuwa ugu sahlan oo aad fahmi karto.

No comments:

Post a Comment

Fadlan suaal muhiim ah soo qor