Recent Posts

Contributors

Advertisement

Sida facebook lacag looga samayn karo

Waxaan isticmaalaayay facebook ilaa 2006 waxaan samaystay facebook page waxaan soo galin jiray arimaha bulshada hadaba mudo 14 bilood ah waxaan kasbaday tiro aad u badan oo dadweynaha oo boga aan facebook ku leeyahay ku soo xidhmay yacni like saaray.

Facebook barnaamijka lacagta

Hadaba markii facebook uu bilaabay barnaamijka loo yaqaano facebook video creators waxaan bilaabay inaan qayb ka noqdo bulshada caalamka ee ku biiraysa barnaamijkaas.

Qaabka facebook page lacag looga samayn karo aqoontacusub.com
Photo by icon0.com from Pexels

Sidaas darteed waxaan bilaabay inaan soo galiyo muuqaalo aan leeyahay oo video ah ka dibna waxaan gaadhay heerkii aan lacagta ka samayn lahaa facebook page , waxaa ii bilaabantay inaan lacag ka sameeyo waxaana la ii ogolaaday in lay furo waxa loo yaqaano monotization oo macnaheedu yahay lacag samee.
Run ahaantii lacagtii waan sameeyey waliba lacag wanaagsan oo aan ku qancay marka la barbar dhigo wakhtiga iyo dadaalka dheer ee aan sameeyey.

Talaabooyinka kaa caawinaayaa inaad facebook page lacag ka samayso


Ugu horeyn facebook hadii aad rabto inaad lacag online ah ka samayso waxaa taas kuu sahlaaya laba wado uun midkood waxayna kala yihiin kuwan .

Facebook lacagta laga sameeyo

waa inaad muuqaalo joogta ah soo galisaa facebook page kaaga ka dibna waxaad gaadhi doontaa heer ay kuu furaan waxa loo yaqaano monotization sidaas darteed daawashada muuqaalada aad soo galiso lacag aad u badan ayaad ka samayn doontaa.

Ganacsiga iibso ama dilaal

Waa talaabo fudud oo aad lacag kaga samayn karto facebook adigoo alaab ku iibinaaya bogaaga facebook Facebook page  wakhtiyada aad firaaqada tahay ayaad wax ku iibin kartaa ama markasta.

Sidoo kale dilaalnimo ayaa iyaduna ah dariiq aad u sahlan oo aad lacag ku samayn karto adigoo isticmaalaaya facebook page , tusaale ahaan waxaad kala iibinaysaa ama dilaal ka noqonaysaa
  • Dhulka
  • Guryaha
  • Baabuurta

Labadaas dariiq ayaa ugu fudud uguna dagdag badan qaabka facebook lacag looga sameeyo

No comments:

Post a Comment

Fadlan suaal muhiim ah soo qor