Recent Posts

Contributors

Advertisement

Sidee blog loo samaystaa sidee lacag looga sameeyaa

Inbadan oo ka mida dadka waxay aaminsan yihiin inaysan lacag ka samayn karin blog'ga taasi waa khalad waayo blog waa qaab aad u fudud oo aad horumar ku gaadhsiinaayaa hadaba suaashu waxay tahay halkee iyo sidee ayaan u bilaabi karaa blog ka soo jiidasho leh oo dad badani ku xidhan yihiin.

sida blog lacag looga sameeyo
Photo by Mohamed Hassan from Pexels


Kuwee ugu caansan meel blog laga furto

Run ahaantii waxaa jira boqolaal websiteyo oo ku siinaayaa ama kuu ogolaanaaya inaad ka furato blog si aad ugu daabacdo waxaad rabto isla markaana lacag uga samayso waxaana ka mida website yada blog laga furan karo kuwa ugu caansan kuwan hoos ku xusan.
  1. Blogger - waa bilaash
  2. Wordpress - waa bilaash
  3. Wix - waa bilaash
  4. Drupal - bilaash
  5. Medium - bilaash
  6. weebly - bilaash
  7. Tumblr

Sida loo samaysto blog qiimo leh

Dooro mawduuc waa inaad ku dadaashaa in blog gaaga uu ahaado hal mawduuc oo aad khabiir ku tahay kaasna dadka waad uga faaiidayn kartaa waliba blog gaaga wuxuu noqon doono mid heer sare ah oo hela macmiil badan oo akhrista , mawduucyada ugu caansan waxaa ka mida .
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka
  • Sheekooyin
  • Falanqayn
  • Arimaha qoyska
  • Fanka iyo suugaanta
  • Cayaaraha
  • Shaqooyinka
Intaas ka dib markaad meel ku qorato mawduuca aad kaga hadli doonto blog gaaga markaas waxaad kaloo dooranaysaa magac ku haboon oo soo jiidasho leh .

Nashqada bloga

Hada waa inaad doorataa nashqad ama designka blog gaaga taas waxaa loo yaqaanaa Theme ama template waxaanaad ka helaysaa nashqadaas google adigoo ku qoraayaa best blogger themes ama wordpress themes iyo kuwa kale hadba kii aad isticmaasho.
Nashqadu waxay kaaga baahan tahay inaad habayso oo edit garayso una dhigto qaabka aad adigu jeceshahay waxaad wax ka badali doontaa dhammaan nashqada markaad ku shubto blog gaaga.
Waxaad qortaa qoraalo soo jidaasho leh

Ka dib markaad hawlahaa kor aan ku xusay aad qabato waxaad hada bilowdaa inaad blog gaaga ku qorto qoraalo Maqaalo aad ku kasbato quluubta dadka kugu xiran adigoo xooga saarayaa kuwa ku anfaci doona, sido kale qoraalada dhexdooda waxaad gelinaysaa sawiro iyo linkiyo waa hadii aad u baahan tahay markaas.

La wadaag maqaalada bulshada

Markaad qorto qoraalo iyo maqaalo xiiso badan oo bulshada anfacaaya waa inaad markaas la wadaagtaa iyaga adigoo ku post garaynaaya baraha bulshada sida facebook ama twitter ama whatsapp iwm.

Guntii iyo gabagabadii hadii aad diyaar u tahay inaad samaysato blog hada waxaan kugula talinayaa inaad ka furato blogaaga websiteka blogger.com

Suaal hadii aad qabto fadlan commentiga ku soo qor 

No comments:

Post a Comment

Fadlan suaal muhiim ah soo qor